Netanyahu oo la kulmay wafti baarlamaanka Japan ah oo booqasho ku jooga
Ra'iisul Wasaare Netanyaahu waxa uu Yeruusaalem kula kulmay xubno ka socda baarlamaanka Japan oo booqasho ku joogay, si ay uga wada hadlaan caqabadaha gobolka iyo kor u qaadista iskaashiga, waxana uu uga mahadceliyey taageerada ay bixiyeen.
