Ra’iisul Wasaare Netanyaahu, habeenkii xalay, xarunta Wasaaradda Amniga Israa’iil (ISA), waxa uu kula kulmay Agaasimaha ku-simaha ah ee ISA iyo Golaha Shaqaalaha ISA si ay ugu dabaal-degaan Sanadka Cusub ee Yuhuudda. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu la hadlay golaha sare ee shaqaalaha ISA isagoo ka hadlayay caqabadaha la filayo ee dhammaan qaybaha, waxana uu ku ammaanay dadaalkooda:
“Runtii waxaan rabaa inaan idiin mahadnaqo dadaallada waaweyn ee aad u samaysaan amniga Israa’iil. Waxaad badbaadisay nolosho badan, gudaha Yudhiya iyo Samaariya, sidoo kale Gasa, waxaad badbaadisay nolosho hawlgallada samatobixinta, waxaadna ku hawlan tihiin hawlgallo badan oo aanay dadka iyo muwaadiniinta Israa’iil ogeyn, laakiin aan anigu ogahay. Dalka Israa’iil oo dhan, waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo qaddarinta Wasaaradda Amniga Israa’iil. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan idiin mahadnaqo (Agaasimaha ku-simaha ah ee ISA) hoggaamintaada wanaagsan iyo tan muhiimka ah, iyo dhammaantiinba, dadaalkiina iyo shaqadiina, iyo natiijooyinka.”









