Sida ku cad, waxa loo ogolaaday Ciidamada Difaaca Israa‘iil (IDF) inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah is-difaacidda ka dhanka ah khataraha, iyadoo ilaalinaysa amniga muwaadiniinta Dawladda Israa‘iil iyo ciidamada lagu soo daadgureeyay goobta. Tallaabooyinka is-difaacidda iyo ka saarista khatarta kuma xirna xabbad-joojinta. IDF ma ogolaan doonto in khatar la geliyo muwaadiniinta Israa’iil iyo dagaalyahanadeeda, waxaanay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo ammaankooda. IDF waxa ay sii wadi doontaa inay ka shaqayso sidii loo nadiifin lahaa goobta ay gacanta ku hayso si loo saaro khatar kasta oo ku wajahan muwaadiniinta Dawladda Israa‘iil iyo ciidankeeda.