Waxaa la sheegay in dhamaadkii safarkii ay dhalinyaradu diideen inay bixiyaan lacagta buuxda ee la dalbaday, isla markaana intii ay muranayeen, mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu soo saaray mindi oo uu lugta ka mudday darawalkii taksiga. Darawalku wuxuu ka soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo kuwa la tuhmayo ay ka baxsadeen goobta. Xilligii la soo qabtay laba ka mid ah dadka loo tuhmayo inay ku lug lahaayeen, waxaa lagu arkay daroogooyin kala duwan iyo mindi gacanta ugu jirtay mid ka mid ah.