Ra’iisul Wasaare Netanyaahu oo la hadlay Kansilorka Jarmalka Merz
Ra'iisul Wasaare Netanyaahu oo kala hadlay Madaxweyne Trump qorshihiisa iyo Kansolka Jarmalka Merz, isagoo hoosta ka xariiqay baahida cadaadis loo saaro Xamaas si loo soo furto maxaabiista.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:
Ra’iisul Wasaare Binyamiin Netanyaahu waxa uu la hadlay Kansilarka Jarmalka Friedrich Merz. Madaxdu waxa ay ka wada hadleen qorshaha Madaxweyne Trump waxana ay isku raaceen in cadaadis la saaro Xamaas si loo soo daayo dhammaan dadka la haysto.
Ra’iisul Wasaare Netanyaahu waxa uu u mahad celiyay Kansilarka Merz taageerada Jarmalka u fidiso Israa’iil, waxana uu yiri: “Waxaan sii wadi doonaa inaan si go’aan leh u dhaqano ilaa inta dhammaan ujeedooyinka dagaalka la gaarayo, oo ay ku jiraan soo celinta dhammaan dadka la haysto iyo hubinta amniga Israa’iil.




















