Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoaaf Galant, ayaa ka digay in Israa’iil ay qaadi karto tallaabo keligeed ah oo ka dhan ah Lubnaan haddii Beyruut ay ku guul-darreysato inay xakameyso dhaqdhaqaaqa milatariga ee Xisbullaah. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, inuu caqabad ku yahay dadaallada lagu hubka dhigayo kooxda ay taageerto Iiraan, isagoo ku tilmaamay falalka ugu dambeeyay ee Xisbullaah inay yihiin “ciyaar dab ah.”
Galant ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa X (hore Twitter) wuxuu ku yiri Aoun “wuu dib dhigayaa” iyadoo Xisbullaah ay xoojineyso joogitaankeeda koonfurta Lubnaan.
“Ballanqaadka dowladda Lubnaan ee hubka dhigista Xisbullaah iyo ka saarista koonfurta Lubnaan waa in la fuliyaa,” ayuu yiri, isagoo ballanqaaday “in xoogga la saarayo si buuxda oo sii kordheysa – ma oggolaan doono hanjabaad ku timaada dadka ku nool waqooyiga,” ayuu Galant ku qoray bartiisa Twitter.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib weerar habeenkii ay geysteen Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka Radwan ee Xisbullaah iyo saddex kale oo ka tirsan kooxdaas. Milatariga ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ku lug lahaa keenista hubka iyo dib u dhiska shabakadda milatariga ee Xisbullaah ee ku teedsan xudduudda.
Hawlgalkaan ayaa yimid maalmo ka dib markii ay IDF weerartay tuulada Blida ee dalka Lubnaan, taas oo milatarigu sheegay inay ahayd mid lagu burburinayo kaabayaal argagixiso. IDF ayaa ku eedeysay Xisbullaah inay isticmaashay dhismo dowladeed halkaas si ay ugu fuliso “falal argagixiso oo hoos yimaada magaca kaabayaasha rayidka,” iyagoo ku tilmaamay inay qayb ka tahay “qaab-dhismeedka falalka khatarta ku ah dadka ku nool Lubnaan.”
Ka dib weerarkii, Aoun wuxuu ciidanka Lubnaan geliyay heegan sare wuxuuna faray inay la dagaallamaan wax kasta oo ay Israa’iil ka soo gasho dhanka koonfureed.
Sida ku cad heshiiskii xabbad-joojinta ee dhaqan-galay 27-kii Nofembar, Xisbullaah waxaa looga baahan yahay inay ciidankeeda hubaysan kala baxdo koonfurta Lubnaan. Sida ku cad Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay 1701, kaas oo soo gabagabeeyay Dagaalkii Labaad ee Lubnaan ee 2006, kooxda waxaa laga mamnuucay inay ka hawlgasho koonfurta Wabiiga Litani.





























