Xubnaha Xisbullaah ee argagixisada ah ayaa gantaalo ku soo riday waqooyiga, waxaana ay ku qarsadeen goobta laga soo ridayay gantaalada dugsi.

Xisbullaha ayaa gantaallo ka soo riday dugsi ku yaal koonfurta Lubnaan, taasoo keentay in Ciidamada Difaaca Israa'iil ay weerar ku qaadaan si ay u cirib-tiraan halistaas.

Ciidamada Difaaca Israa‘iil (IDF) waxay xaqiijiyeen in Xisbullaah uu gantaallo ka soo riday gudaha dugsi ku yaal deegaanka Kfar Tira Zevana oo dhaca koonfurta Lubnaan.

Dukumentiyada ay soo saareen IDF, waxaa si cad looga dheehan karaa saxiixa kulaylka ee qalabka gantaallada lagu rido, iyo sida xilliga dhabta ah loogu dhex-gaynayo goobta dugsiga. Tani waa ku xad-gudub sharciga caalamiga ah.

Kadib markii la aqoonsaday, IDF waxay weerartay goobta si meesha looga saaro halista ku ah Dawladda Israa‘iil.